Shababka Oo Shaaciyay Naftii-haligihii isku Qarxiyay Fariisinkii Ciidamada Galmudug Ee Wisil

Somalia news

Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka ayaa la sheegay iney shaaciyeen Magaca Naftii-haligihii weerarka gaariga ku qaaday Fariisinka Ciidamada Daraawiishta Galmudug ku lahaayeen degaanka Wisil oo ka tirsan Gobolka Mudug…

Ka hor inta uu is-qarxin Is-miidaaniyaha ayaa laga duubay wax loogu yeeray dardaaran, isagoo horgal u ahaa Tiro Maleeshiyaad ah oo kooxdu ugu talo gashay iney weeraraan fariisinka isla markaasna qabsadaan, inkastoo uusan u fulin qorshahooda, iyadoo laga hortagay khasaare xoogan uu soo kala gaaray labada dhinac.

Naf tii-haligaha ayaa magaciisa ku sheegay Cabdullahi Maxamed Aadan (Sagaar mad-hurow) alias Cabdullahi Jeeri oo 28-sano jir ah, wuxuuna ka soo jeeda Beesha Hadame Jufada Libsi ee Degaanka Rab-dhuure Ee Gobolada Bay iyo Bakool, wuxuu sheegtay inuu Kooxda ku biiray 16-sano kor, islamarkaana ka mid ahaa qeybta Jeysh-ka kadibna ku biiray Qeybta Is-qarxinta.

126880cookie-checkShababka Oo Shaaciyay Naftii-haligihii isku Qarxiyay Fariisinkii Ciidamada Galmudug Ee Wisil