Maxaa Siyaasiyiinta Somalida Xiligaan Ku Xiray Dalalka Shisheeye

Somalia news

Ayaan Darrada Shacbiga Soomaaliyeed heysata Sanadahaan ayaa ah, iyadoo uusan jirin Muwaadin (Siyaasi Meherada) u damqada Dhibaatada Dalka ka taagan, waxeyna Kooxahaan (danleydaan) ku wada xiran yihiin Dalal shisheeye oo aan dan u heynin Shacbiga…

Kooxda Xiligaan Xilka Heysa:-

Maamulka Farmaajo ayaa Siyaasadiisa waxaa laga hagaa Magaalooyinka Dooxa, Asmara iyo Addis abeba, iyadoo uu wakiil buuxo Adeegaha Madaxda ka ah NISA, wuxuuna Xiligii Tartanka ku jirin Halheys u aheyd “Maamulkeyga Lama hoos geyn doono Ethiopia”, wuxuuna xiligaasi u shaqeynaayay Maamulka Nairobi, isla markaasna weydistay Taageero Dhaqaale iyo Mid Siyaasadeed.

Mr.Farmaajo ayaa qorsheeyay in Doorashada 2020-21 uu geli doono in “Kenya ay tahay Cadowga Somalia, wuxuuna xiligaan ka wadaa Dagaalo carqaladeyn ah ka Xuduuda B/Xaawo iyo Mandheera, iyadoo la filaayo in dhowaan dagaalo ka dhacaan xuduuda.

Kooxaha Mucaaradka:-

Kooxaha Mucaaradka ayaa la sheegaa iney ku xiran yihiin Dalalka UAE, UK, Sacuudiga iyo Kenya, iyadoo xiligaan Siyaasiyiinta Mucaaradka intooda badan ku sugan yihiin Magaalada Nairobi, kuwaasoo weydistay Taageero Siyaaso iyo mid dhaqaale, si loo wiiqo Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, waxaana lagu wadaa in kulamo ay dhowaan yeelan doonaan ka soo saaraan War-murtiyeed.

Hadaba Maxaa u Dan ah Shacbiga:-

Shacbiga Soomaaliyeed waxey dantooda ku jirtaa iney ka dhiidhiyaan Siyaasin ku sheega ku qaraabta (Tuugsada) Magaca Shacbiga, iyagoo Maalin walba Magaalo hoos geeya Sharafka iyo karaamada Qaranka Soomaaliyeed, isla markaasna ay u midoobaan sidii looga hortegi lahaa Danleydaan caruurtooda ku korsada Dhaqaalaha laga xado Canshuurta Danyarta Soomaaliyeed.

66280cookie-checkMaxaa Siyaasiyiinta Somalida Xiligaan Ku Xiray Dalalka Shisheeye