Share the post "Haween ku hungoobay hal-abuur Ganacsi markii ay u waayeen Maalgalin.."
Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa in markii 2-aad ayeey hal-abuurkeeda ganacsi uu ku dhow yahay burbur maal-galin la’aan darteed, Faadumo Xasan Maxamed oo ku nool Muqdisho. Xarunteeda oo qaabilsan qurxinta dumarka waxaa ka tagay shaqaalihii ka howl-galayay, waxaana laga jartay korontada bartamihii bishii Oktoobar…
Waxay naawilaysay in ay maal-galin u hesho, balse diidmo ay kala kulantay bangiyada bixiya ayaa sababtay in uu isbixin waayo ganacsigeeda, Daymo lagu yeeshay iyo bixinta mushaharka shaqaalaha oo ku adkaaday ayaa cuuryaamiyay shaqada xarunteeda. Waxay sheegtay in ay dhib badan u martay yagleelidda ganacsigan oo ay aasaastay bishii Janaayo ee sanadkan.
Waxay rajo xumo ka muujisay soo kabashada meheraddeeda, iyadoo Labo Gabdhood oo ay barto xirfadda cillaan-saarka, qurxinta jirka iyo timaha ayaa ka haray shaqaalihii goobteeda ganacsi, kuwaasoo aysan siin lacag mushahar ah tan iyo markii ay ka tageen howl-wadeennadii kale bishii September Sanadkaan, Horusocod la’aanta meheraddda ayay u sababeysay lacagta ay ku hirgalisay oo yarayd. Waxay sheegtay in ay ku billowday $1000 oo $500 ka mid ah ay ka amaahatay qof ka mid ehelladeeda, taasoo weli lagu leeyahay.
Haweenka halganka ganacsi ku jira ayaa isugu jira kuwo wax bartay oo shaqo la’aantu ku kaliftay iney hal-abuurkooda ay ku caano maalaan iyo in kale oo aan helin fursad waxbarasho, balse dadaal ugu jira in naftooda ay waxtaraan, kana qayb qaataan kobaca dhaqaale ee dalka, inkastoo Dowlada Federaalka iyo Hey’adaha Samafalka ka gaabiyeen iney dhiiri geliyaan Haweenka iskood meherado ganacsi abuurtay.