Sarkaal Lagu Weeraray Hoygiisa

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa weerar qorsheysan Oo Lagu qaaday Hoyga Sarkaal Ka Tirsan NISA Ee Degaanka Guricel ee Gobolka Galguduud, iyadoo Sarkaalkaan uu horey uga tirsanaa Kooxdii Suufiyada ee laga saaray Gobolka Galguduud…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Sarkaalkaan Oo magaciisa lagu sheegay Cabdullahi Cabdi Raage ayaa Xalay lagu weeraray hoygiisa Bam Gacmeed (F-1), kaasoo ka badbaaday, wuxuuna horey madax uga ahaa Ilaalada gaarka ee Sheekh Shaakir, hase yeeshee Loo wareejiyay Hey’adda Sirdoonka.

Weerarkaan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah muddo ku siman 10-sano, Wararka qaarkood ayaa sheegaya in degaano ku dhow degaanka Guricel ay Soo dhowaan soo gaareen tiro Maleeshiyaadka ka tirsan Kooxda Shabaabka, Sidoo kale waxaa Magaalada weli ka taagan muran Masaajid Oo u dhaxeeya Taageerayaasha Suufiyada iyo Al-Ictisaam.

52700cookie-checkSarkaal Lagu Weeraray Hoygiisa