Bogagii Baraha Bulshada ee Deni & Lugatoor Oo Hawada laga Saaray & Tuhunka ka Dambeeya..

Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Bogagii Facebook ee Hogaamiyaha (Deni) & Kuxigeenkiisa (Lugatoor) ee Maamulka Puntland ayaa hawada laga saaray, waxeyna ku eedeeyeen in Hogaanka Villa Somalia ay ka dambeyso weeraro lagu qaaday bogaga baraha bulshada madaxda Puntland, kuwaasi howlgab laga dhigay…

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Puntland ayay ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka danbaysay weerar dhinaca baraha bulshada ah oo lagu qaaday siyaasiyiinta ka aragti duwan Villa Somalia, si loo aamusiyo ra’yigooda.

Maamulka Puntland waxay sheegtay in Dowlada Somalia adeegsanayso burcad dhinaca Internet-ka oo beegsanaya Mas’uuliyiinta iyo Siyaasiyiinta ka horjeeda siyaasadda uu dalka ku hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ku eedaysay in uu keligii-taliye yahay.

Dhawaaqaan ayaa imaanaya xilli hawada laga saaray bogagii Facebook ee madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland, islamarkaana ay weli hawada ka maqan yihiin.

349510cookie-checkBogagii Baraha Bulshada ee Deni & Lugatoor Oo Hawada laga Saaray & Tuhunka ka Dambeeya..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *