Guddiga Doorashada FIET Oo ku Dhawaaqay Inuu Ergo u Diraayo Baydhabo

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga sooo sheegaya in Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay in Maanta oo Arbacda ah uu Guddi u diri doono magaalada Baydhaba, si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya guddiga iyo maamulka Koonfur Galbeed…

Maamulka Laftagareen ayaa qaadacay shahaado siinta Xildhibaanada iyo ka qeyb-galka xafladda dhaarta ah ee Xildhibaanada cusub oo berri oo Khamiis ah ka dhaceysa teendhada Afisyoone, wuxuuna ku dooday in Sharci darro ay aheyd in 3-Xildhibaan oo degaanka laga soo xushay laga reebo.

Xubnaha uu Guddiga u dirayo Baydhaba ayaa imaneysa iyadoo Xubnaha Beesha Caalamka ay weli wadaan dadaallo ay rabaan in kuraasta la xayiray lagu fasaxo, waxeyna cadaadis ku saarayaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga doorashada ee FEIT, Ma cadda xubnaha guddiga u dirayo Baydhaba ay horseedi doonto in dib loo dhigo dhaarinta xildhibaanada inta ay xal kasoo helayaan iyo in jadwalka dhaarinta ee 14-ka April lagu socon doono.

181960cookie-checkGuddiga Doorashada FIET Oo ku Dhawaaqay Inuu Ergo u Diraayo Baydhabo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com