Ma Jiraa Xal Dastuuri Ah Oo Ka Hortagi Kara Firaaqo Dastuuri ah

Somalia news

Sida aan la wada socono in muddo ah waxaa xilkii ka dhamaaday Baarlamaanka Federaalka kaasoo ku ekaa 27 December 2020, halka mudda xileedka Madaxwaynnuhu  wuxuu dhamaaday 7/2/2021, haddaba waxaa is waydiin mudan ma jiraa xal dastuuri ah oo looga hortagi karo inuu dhaco firaaq dastuuri ah,  Yaase xaqa u leh go’aan ka gaarista  arrimaha Masiiriga ah ee dalka….

Sida uu xeerinaayo  qoddobka 48-aad ee Dastuurku, Qaab-dhismeedka Dawladda ee Federaalka wuxuu ka kooban yahay 2 heer Dawladeed, heerka Xukuumaddu Federaalka iyo heerka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, waxaa la isku waafaqsan yahay in ay jiraan dawlad gobaleedyo haysto sharciyad oo mudda xileedkoodii uusan ka dhicin.

Sidoo kale qoddobka 103-aad ee Dastuurku wuxuu dhigayaa in inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Ra’iisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu ay sii haynayaan xilka, isla markaana ay waajibaadka caadiga ah ee Dawlada u fulinayaan.

Xilgaarsiin:-

Labaddaas qoddob marka aan eegno waxaa maanta sharciyad haysto oo ah cidda ugu dhaw ee hawlaha dalka oo doorashooyinku ku jiraan maamuli karta Xukuumadda iyo dawlad gobaleedyada.

In Xukuumadda iyo Dawlad gobaleedyadu oo la isku geeyay ay maamulaan arrimaha muhiimka ah ee dalka oo ay ku jirto hirgelinta hannaan doorasho oo raali lagu wadayahay waa xalka dastuuriga ah ee looga hortagi karo inuu dhaco firaaq dastuuri ah.

93750cookie-checkMa Jiraa Xal Dastuuri Ah Oo Ka Hortagi Kara Firaaqo Dastuuri ah