Share the post "Ma Dhabaa in Kooxda Daacishta Somalia ay Ku Soo Qulqulayaan Dhalinyaro Dagaal Doon ah…"
Warbixin hordhac ah oo laga hemay kooxaha UN-ka u qaabilsan la socodka Hubka sharci darrada ah & daba galka Cunaqabateynta ayaa digniino ka soo saaray in Tiro badan Maleeshiyaad Ajaaniib ah ay ku qul qulayaan degaanada Buuraleyda Maamulka Puntland si ay ugu biiraan Kooxda Daacishta Somalia..
Warbixintaan ayaa looga digay in Kooxda Daacishta Somalia uuna Horgalaha u yahay Horjooge Cabdulqaadir Muumin ay degaanada ay Maamulaan ee Puntland ay gaarewn tiro badan oo Maleeshiyaad Ajaaniib ah una badan kuwa ka soo jeeda Dalka Ethiopia, iyagoo Horjoogaha Howlgalada Kooxda Daacishta magaciisa lagu Sheegay Cabdiraxmaan Faahiye oo ka soo jeeda Beesha Ciise Maxamuud, halka Horjoogaha Maaliyada iyo Baada magaciisa la yiraahdo Cabdiwali Waran-Walaac kana soo jeeda Gobolka Bari (Bosaaso).
Warbixinta Qaramada Midoobay, oo ku salaysan Xuuraanka iyo Sirdoonka Dawladda xubinta ka ah, ayaa sheegaysa in Cabdulqaadir Muumin uu hadda yahay “Horjoogaha Agaasinka guud ee Gobollada Bariga Dhexe, iyadoo ka dhigaysa door hoggaamineed oo ka sarreeya [ISIS]-ku xiran yihiin Afrika”, Kooxdaan ayaa Fariisimo iyo Saldhigyo ku leh Degaanada Balidhidin, Xunbays, Isku-shuban iyo Qandal ee gobolka Bari, sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay.
Warbixinta ayaa lagu xusay in IS-Somalia ay horumar dhuleed ka sameysay Sanadkii 2023-kii kadib markii ay Guulo ka gaareen dagaalo ay la galeen Kooxda Shababka kana saareen degaano badan oo ka tirsan Gobolka Bari, “Ilaha rasmiga ah ayaa sheegaya in tani ay u badan tahay inay sabab u tahay kororka Maleeshiyaadka Ajnabiga ah.”