Deniga Puntland oo weli Dagaal Nadiifin ah (Purge) ku wada Saraakiisha Maamulkiisa 

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa xaqiijinaaya in Madaxweynaha Puntland lagu wado in saacadaha soo socda inuu ku dhawaaqo isbeddelkii labaad, kadib markii uu habeenkii khamiista aheyd uu isbedel ku sameeyay Maamuladii Degmooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in isbeddelkan ayaa lagu saameynayaa tiro Agaasimayaal muddo dheer xilka hayey, qayb ka mid ah golaha wasiirada, iyo weliba maamulada gobolada qaar kamid ah, kuwaasoo Dani ku tuhmaayo iney xiriir la leeyihiin Kooxda Aaran jaan.

Khubarada ka faalooda Arrimaha Puntland ayaa sheegaya in “Kacaanka” Deni uu horseedka ka yahay ee xil ka xayuubinta (purge) uu la xiriiro in la helo kaadiriin baariyaal ah oo isbeddelka cusub la saanqaadi kara kuwaas buurta (cliff) kala bixi kara, kadib guuldaradii doorashadii Muqdisho iyo dib u nooleynta rajada siyaasadiisa.

Agaasimayaasha Seefta Saaran tahay:-

-Agaasimaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Abshir Maxamed Abshir (Darbo), Agaasimaha maamulka ee isla wasaaradda maaliyadda, Keenadiid Jaamac, Sarkalkaan ayaa la sheegayaa inuu ku dhawaa Deni laakiin muddooyinkan Kenya isaga maqnaa.

  • Agaasimaha wasaaradda deegaanka Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor
  • Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Cabdirisaaq Xasan
  • Agaasimaha kaluumeysiga Cabdirisaaq Aadam
  • Agaasimaha qorsheynta Sharmarke Xasan Cali
  • Agaasimaha Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdirashiid
213820cookie-checkDeniga Puntland oo weli Dagaal Nadiifin ah (Purge) ku wada Saraakiisha Maamulkiisa