Marxalada Kala Guurka Doorashada Galmudug, Kooxaha Is-haya & Damaca Dembi Jadiid…

Somalia news

Iyadoo lagu wado in sanadkaan la qabto Doorashada Xilka Madaxtinimada Galmudug ayaa cagaha la gashay tartan adag oo u dhaxeeya Kooxaha shaatiyada Diimeed huwan ee siyaasada xiligaan isku haya, waxaana la filaayaa iney jaangooyaan Cododka Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Galmudug..

Inkastoo ay haatan daaha gadaashiisa ay ka socdaan jilaafooyin iyo dagaal mindhicireed iyo hadalo duur xul ah Warbaahinta gudaha loo adeegsanaayo, hadana waxaa cad in bilaha ina soo aadan si rasmi ah u soo shaac bixi doonaan Ololaha kooxahaan isku haya Xilka Madaxtinimada Maamulka Galmudug.

Garabka Axmed Qorqor:- Madaxweynaha haatan xilka ka dhamaanaya ayaa gaashaan buur la sameystay wixii ka nool N&N iyo Kooxda Xasan Cali Kheyre oo ku ood ah Gudoomiyaha Baarmalaanka Galmudug waxey Iskaashatadaani doonayaan in dib loo doorto Mr.Qorqor inkastoo Rajadiisu ay tahay mid aan sidaasi u buurneyn, waxaana lagu eedeeyay inuu fashiliyay Dagaalkii Degaanada Galmudug looga sifeynaayay kooxaha Argagixisada inkastoo dhaawcyo ka soo gaareen qaraxyadii Degaanka Laas-Gacameey.

Kooxda Suufiyada Ahlu sunnah:- Kooxdaani ayaa waayahaan dambe dhaqdhaqaaqyo ka waday Degaanada Galmudug, Magaalada Mogdishu iyo Magaalada Nairobi waxeyna doonayaan iney u tartamaan xilka Madaxtinimada Galmudug waxaana u sharaxan Sheekh Axmed Shaakir, wuxuuna ka soo muuqday Warbaahinta TV-ga Dowladda Federaalka, isagoo ka faalooday aragtidiisa ku aadan dagaalka looga xoreynaayo Shababka degaanada Galmudug.

Garabka Villa Somalia u sharaxan:– Kooxda Dembi Jadiid ayaa la dooneysa Xilkaan Agaasimaha Hey’adda NISA Mahad Salaad sida ay xuuraanadu xaqiijinaayaan inkastoo si rasmi ah aysan u shaacin Musharaxooda rasmiga ah, waxaana jira warar ku-tiri-ku-teen ah oo tilmaamaya iney Sidoo kale wataan Xildhibaan Odawaa, inkastoo warar kale ay sheegayaan in Xisbiga ood wadaagta la ah Xisbiga Xasan Sheekh ee Daljir uu u sharaxan yahay Wasiiru Dowladaha Madaxtootada Mr.Abshir Buqaari.

Si kastaba ha ahaatee, Khubarada taxliiliya arrimaha Doorashada Xilka Madaxtinimada Galmudug waxey farta ku godeen in Dagaalka dhanka ka ah Shababka, Doorashada Federaalka iyo Qalinka Madaxtooyada Villa Somalia ka fikaayo inuu noqdo mowduuca ugu weyn ee jiheyn doona Xubnaha Cod-bixiyayaasha Doorashada Galmudug.

314410cookie-checkMarxalada Kala Guurka Doorashada Galmudug, Kooxaha Is-haya & Damaca Dembi Jadiid…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com