Share the post "Ma Dhabaa in Xildhibaan Xasan Firimbi uu Magan Galay Hoyga Sheekh Shariif ee Magaalada Mogadishu.."
Ilo wareedyo loo qaateen ayaa tilmaamaya in Ciidamo ka tirsan Boliiska iyo Nabadsugida ay xalay dhowr goobood ka baareen Xildhibaan Xasan Firimbi oo doraad u gacan qaaday Xubin ka tirsan Xoogaga suga Amaanka Xildhibaanada, kadib markii Guddiga Anshaxa ay u yeereen Xildhibaanka kana baaqsaday…
Wararka ayaa sheegaya in Gudoonka Golaha Shacabka uu ka dalbaday Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka in baaris lagu sameeyo Xildhibaanka eedeysan ee dhaawaca ku gaarsiyay Sarkaalka Boliiska gudaha Xarunta Golaha Baarlamaanka dhaxdiisa kadib markii uu u gacan qaaday, iyadoo ay soo baxaayaan Warar ku aadan halka uu ku sugan yahay Xildhibaanka.
Xuuraano la helay ayaa tilmaamaya in Xuldhibaan Xasan Firimbi uu magan u galay hoyga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo ku dhow agagaatka Isgosyka KM-4 ee Degmada Wadajir ee Gobolka Benaadir, iyadoo Ilaalada Guriga la sheegay in lagu xoojiyay Maleeshiyaad ka soo jeeda Beesha Sheekh Shariif kuwaasoo ilaa xalay waday dhaqdhaqaaq.