Ma Dhabaa in Ciidamada Ethiopia ay Askari Boliis ah Ku dileen Xadka Gobolka Awdal..

Somalia news

Macluumad xuuraan ayaa laga helayaa dhaqdhaqaaq ay Ciidamada Ethiopia ka wadaan Xuduuda Gobolka Awdal ee Somalia, iyadoo la sheegaayo iney ku wehiliyaan Saraakiil ka tirsan Maamulka Muuse Biixi, iyadoo uu dhaqdhaqaaqan uu soo shaac baxay kadib heshiiskii Is-afgaradka ay wada gaareen labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadaan xadka ay geeyeen Dowlada Ethiopia ayaa shalay ku dilay degaanka Qool Bulale 2-Askari oo ka tirsan Boliiska Somaliland, kadib markii horistaageen iney u soo gudbaan dhinaca Somalia, Dilkaan bareerka ah ayaa waxaa ka dhashay caro xoogan oo Dadka degaanka oo bilaabay iney Dibedbaxyo dhigaan.

Dhanka kale, Maamulka Muuse Biixi ayaa Degaanada hoos taga Gobolka Awdal uu 3-4 maalmood ee u dambeysay geeyay Gobolkaasi Makeeshiyaad hab-qabiil loo soo xulay kuwaasoo loo geliyay dharka Ciidamada, waxeyna wada shaqeyn la yeelan doonaan Ciidamada Ethiopia oo la filaayo in dhawaan la soo talaabaan Xadka Gobolka Awdal.

300580cookie-checkMa Dhabaa in Ciidamada Ethiopia ay Askari Boliis ah Ku dileen Xadka Gobolka Awdal..