Dagaal Beeleed Ka Socda Konfurta Mudug

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal la isku adeegsanaayo Hubka noocyadiisa kale ayaa maalintii 3-aad ka socda degaamo ka tirsan Konfurta Gobolka Mudug, waxaana kasoo baxaya warar kaal duwan oo ku aaddan dagaal kaasi la sheegay inuu geystay khasaare Dhimasho, dhaawac iyo barakac….

Dirirtaan ayaa la sheegay iney u dhaxeyso Maleeshiyaad beeleedyada Saleymaan iyo Dir, wuxuuna xoogiisu ka socda degaanka Bacaad weyn iyo tuulooyinka ku xeeran, iyadoo uu geystay tiro badan oo dhimasho labada dhinac ah iyo dhaawacyo u badan Maleeshiyaadka dagaalamay, iyadoo uu saameyn ku yeeshay Dagaalkaan Dadka Rayidka ah.

Maamulka Villa Somalia iyo kan Galmudug ayaa lagu Eedeeyay iney ka gaabiyeen iney joojiyaan dhiiga daadanaaya iyo barakicinta lagu hayo Dadka Rayidka ah ee degaanada ay socdaan dagaalkaan, Maleeshiyaadkaan ayaa isku haya dhul iyo barkado, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu salka ku hayo dhul balaarsi ay wado mid ka mid ah Labada Maleeshiyaad.

72000cookie-checkDagaal Beeleed Ka Socda Konfurta Mudug