Share the post "Warbixin Laga Soo Saaray Tirada Guud Bukaanada Qaba Cudurka HIV AIDS ee Degaanada Puntland.."
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in Hay’adda La-dagaallanka xanuunka AIDS-ka u qaabilsan Puntland ee PAC ay shaacisay warbixin ku saabsan heerka xanuunka HIV/AIDS-ka ee guud ahaan degaannada Puntland..
Warbixintaan ayaa lagu xusay in tirada guud ee dawada HIV/AIDS-ka qaadata yihiin 646 Bukaan, Sida ay muujinayso warbixinta hay’adda PAC, waxaa magaalada Gaalkacyo oo keliya daawada AIV/AIDS-ka qaata 205 oo Bukaan, halka magaalada Garoowe ay daawada ka qaataan 197 Bukaan.
Halka Magaalada Boosaaso waxaa daawada AIDS-ka qaata 181 Bukaan, halka Qardho ay 54-Bukaan ay qaataan dawooyinka HIV-ga, islamarkaana degmada Badhan 9-Bukaan oo keliya qaataan daawada xanuunkani, sida ay tilmaantay warbixinta PAC.
Hay’adda La-dagaallanka xanuunka AIDS-ka u qaabilsan Puntland ee PAC ayaa warbixintani ku soo bandhigay xuska maalinta Aids-ka aduunka oo Garoowe lagu qabtay.