Bangiga Aduunka Oo Ka Digay Hoos u Dhaca Dhaqaale ee Dalka Somalia…

Economie Somalia news

Warbixin uu soo saaray Bangiga Aduunka (World Bank) ayuu sadaal kaga bixiyay in Sanadkaan dhamaadka ah uu gaari doono dhaqaalaha Somalia 2,8% halkii uu sanadkii hore uu ka ahaa 3,6%, iyadoo warbixinta lagu xusay in Dhaqaalaha Dalka uu weli nugul yahay ku tirsanaanta xad dhaafka ah ee Maalgelinta Dibeda iyo dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Caasimada..

Warbixinta ayaa lagu qeexay in kala duwanaashaha dhaqaalaha Xadidan iyo u nuglaanta masiibooyinka dabiiciga ah ay horseedeen inuu gaabis ku yimaado kobaca dhaqaalaha Dalka, iyadoo la saadaaliyay in Sanadaha 2024-ka iyo 2025 ee soo socda uu kobaca si gaabis ah kor u kici doono gaarna 3,7% iyo 3,9%, hadii aaney hareynin Masiibada Fatahaada, Daadadka iyo Khlakhalka Dagaalada Ukraine iyo kan Israel iyo Xamaas oo laga cabsi qabo in Marinka Bab al Mandab uu xirmo cabsi amaan awgeed.

Dalka Somalia ayaa weli halgan ugu jira soo kabacashada iyo dib u habeynta dhaqaalaha inkastoo ay jiraan khilaafyo siyaasadeed oo gudaha ah, kuwaasoo laga cabsi qabo iney wiiqaan kobaca Dhaqaalaha Dalka, ku darsoo waxaa hoos u dhac ku imaan doona kaalmada dibadeed, iyadoo hadii bartamaha Bishaan laga cafiyo 5.5-Billions US$, ay Dowladu ku qasbanan doonto iney Deymo kale dalbadaan.

Dhaqaalaha Somalia ayaa ku tiirsan xiriirka ganacsi ee Dalku la leedahay Dunida inteeda kale, sida dhoofinta iyo iibsiga Alaabaha, Badeecadaha, dhoofinta Xoolaha, Mooska, Maqaarada, noocyada Kaluunka, tiro xadidan oo Dhuxusha ah iyo Biraha duugga ah, sadaasha ayaa muujineysa in Shirkadaha Somalida ay inta badan u dhoofiyaan badeecadahooda Dalalka UAE 50.7%, Oman19%, Yemen 12.8% iyo Turkiga.

290870cookie-checkBangiga Aduunka Oo Ka Digay Hoos u Dhaca Dhaqaale ee Dalka Somalia…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com