Ma Dhabaa in Boqortooyada UK ay Kala noqotay Madaxweynaha Somalia Casumaad ay u Fidisay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Dowladda UK ayaa Madaxweynaha Somalia ka saartay liiska Dadka ay ku casuuntay ka qeyb galka xaflada caleema saarka boqorka UK, waxaa sidoo kale aan loo dirin Barwadaasi Madaxda Dalalka Russia, Iran N. korea & Cuba..

Wararka ayaa tilmaamaya, Madaxweynaha Somalia oo markii hore loo diray Barwada casuumaada madaxda ka qeyb galeysa xafladaasi, inkastoo isbedel deg deg ah lagu sameeyay, iyadoo madaxtooyada Somalia lagu wargeliyay in Madaxweynaha dalka aanu qeyb ka eheyn xubnaha rasmiga ah ee madashaas tagaya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in talaabadan la qaaday maadaama Somalia ay kamid tahay dalalka Ingiriiska uu saaray xanibaad dhanka socdaalka oo aysan diyaaradda si toos ah isaga kala gooshi karin Muqdisho iyo London.

254430cookie-checkMa Dhabaa in Boqortooyada UK ay Kala noqotay Madaxweynaha Somalia Casumaad ay u Fidisay