Share the post "Maxaa Ka Hortaagan Maamulka Jubbaland & Dowlada Federaalka iney Dagaalka Argagixisada Shabaaka.."
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf murgsan ee u dhaxeeya Maamulka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka uu ka sii daray, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay labada dhinac wadeen hub & Ciidan uruursi, lana filan karo inuu qarxo dagaal dhiig badan ku daato…
Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in dhanka Dowlada Federaalka ay ka dejisay magaalada Raskambooni 2-Urur oo Guutada Boliiska Dableyda ee ilaalada Madaxtooyada si ay ugu biiraan una xoojiyaan Furinta Raskambooni, inkastoo aan la ogeyn in Ciidamadaan ay hordhac u yihiin safarka la qorsheeyay ee Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka ku tegi doono Degaankaasi si uu u dhiiri geliyo Ciidamada Dowlada Federaalka.
Abaabuladaan iska soo horjeeda ayaa laga filan karaa iney ka faa’iideystaan Kooxda argagixisada Shababka oo xuuraano la helay ay tilmaamayaan iney wadaan iney weerar qorsheysan ku ekeyaan Degmada Afmadow iyo magaalada Kismaayo halkaaso Maamulka Axmed Madoobe ka taliyo, Talabooyinkaan iska soo horjeeda ee Dowlada Federaalka iyo Jubbaland ayaa muuqata in la hilmaamay Dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada waana ayaan darro in Ciidamada Dowlada Dano shaqsi loo adeegsado iyo damac kursi.