Wasiirada Hawiye Oo Hoyga Cali Mahdi Tagay

Somalia news

Wararka hordhaca Ee naga soo gaaraya Degmada Cabdicasiis ayaa sheegaya in Xubno ka tirsan Wasiirada Xukuumadda ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa hadda shir kula leh hoygiisa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed…

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo uu argagax ka qaaday Rasaastii xalay wuxuuna ergo ahaan ugu diray Wasiiradaan, isagoo culeys ku saaray iney kala hadlaaan sidii xaalada Caasimadda loo dejin lahaa, islamarkaana loo abuuri lahaa jawi degenaan iyo aragti wadaag ku dhisan kaddib saacadihii la soo dhaafay oo ay Muqdisho ka gashay xaalado siyaasadeed oo ka dhashay dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

93440cookie-checkWasiirada Hawiye Oo Hoyga Cali Mahdi Tagay