Dagaalkii Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Doolow ee Gobolka Gedo siduu u Dhacay..

Africa News Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal kooban oo muddo socday uu ka qarxay Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Doolow kaasoo u dhaxeeyay Xoogag Taabacsan Jubbaland iyo kuwa ATMIS ee Ethiopia oo dhinac ah iyo Ciidamada NISA ee Dowlada Federaalka kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Dhinacyadaan..

Wararku waxay sheegayaan in Diyaarada Halla ee ka timid Kismaayo ka soo qaaday Guddoomiyaha gobolka Gedo ee maamulka Jubaland magacaabey Saraakiil iyo Ciidamo ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Doolow, kadib waxaa isku dayey in ay celiyaan ciidamada NISA ee ku sugnaa halkaas, taasoo keentey in dagaal muddo socdey uu ka dhacay Doolow waxaana la xaqiijiyay iney dhinacyadaan dhimasho iyo dhaawacyo soo kala gaareen.

Dagaalka ayaa keenay in Ciidamada NISA ay isaga baxaan aaga garoonka diyaaradaha ee Doolow, iyadoo Gurmad Ciidan oo Ethiopian ah ay ka soo talaabeen Xadka kuwaasoo la xaqiijiyay iney dagaalka ka qeyb galeen, Halka Ciidamo ka baxay Magaalada Beled xaawo oo Gurmad u ahaa kuw Dowlada Federaalka jid gooyo ku dhaceen khasaarena uu ka dhashay.

Xiisada u dhaxeysa Ethiopia & Somalia ayaa u muuqata mid faraha ka baxday kadib markii Dowlada Federaalka ay u Oggolaatay Ciidamada Egypt iney ka mid noqdaan Nabada Ilaaliyayaasha Somalia kuwaasoo howlgalkoodu uu bilaaban doono 1-da Jenaayo Sanadka cusub 2025, Halka lagu wado iney Dowlada Federaalka ay ka dalbato Ciidamada Ethiopia iney isaga baxaan Dalka.

354330cookie-checkDagaalkii Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Doolow ee Gobolka Gedo siduu u Dhacay..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *