Ethiopia Oo Lagu Eedeeyay Xarig & Toogasho Shaqaalaha U.N.-ka

Africa News

Maamulka Ethiopia ayaa qirtay in Ciidamadoodu ay rasaaseeyeen shaqaalo ka tirsan Qaramada Midoobay, kaddib markii ay shaqaalahani ka gudbeen laba bar-koontarool oo aanan loo ogolaan si ay u gaaraan gobolka ay dagaalladu ka socdaan ee Tigray…

Redwan Hussien oo ka mid ah saraakiisha sare ee Maamulka Abiy, ayaa Talaadadi shalay isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa wariyaasha u sheegay, in dhacdadani ay dhacday Axaddii xilli ay shaqaalaha Qaramada Midoobay isku dayayeen in ay gaaraan xerada qaxootiga ee Shimelba oo ay daganyihiin qaxooti Eritrean ah.

Wuxuu sheegay in ciidamo ka tirsan millatariga ay rasaas ku fureen shaqaalaha UN-ka, kaddib marki ay isku dayeen in ay ka gudbaan bar koontarool, waxyar kaddib marki ay soo dhaafeen laba bar koontarool oo kale.

Sida uu sheegay Ridwan, shaqaalaha waxaa lagu wargeliyay in aanan loo ogoleyn in ay barta koontarool ka gudbaan, balse waxay go’aansadeen in si qar-iskatuur-nimo ah halkaasi kaga tallaabaan.

Afhayeenka Qaramada Midoobau Stephane Dujarric ayaa sheegay in warka kasoo yeeray Itoobiya uu yahay mid laga naxo.Isaga oo ku boorriyay dowladda federaalka Itoobiya in ay ka hortago dhacdadani oo kale mustaqbalka.

77540cookie-checkEthiopia Oo Lagu Eedeeyay Xarig & Toogasho Shaqaalaha U.N.-ka