Cabasho laga keenay Canshuur Hormaris ah Uu Gobolka Benaadir Qaadaayo

Somalia news

Qeylo dhaan ayaa ka soo yeereysa Shacibiga ku nool Degmooyinka Gobolka Benadir, waxeyna ka cabanayaan qaadista si qasab ah Canshuuraha Guryaha iyadoo aan la gaarin xiligeeda, Amarkaasina waxaa bixiyay Godoomiyha Gobolka…

Canshuurtaan oo sanadle ah, iyadoo Degmooyinka qaarkood ay bilaabeen 6- bilood kadib markii ay bixiyeen Canshuurtii sanadkii hore, iyadoo qaadista la sheegay in loo adeegsanaayo xoog iyo qoriga caaradiisa iyo in la xiro Milkiilayaasha Guryaha, waxeyna sheegeen in Bilihii Septembar, Oktoobar & Novembar ee sanadkii hore ay bixiyeen Canshuurta.

Ujeedada Canshuurta loo dedejinaayo ayaa lagu fasiray in laga faa’iideysto xiliga kala guurka, waxaana howshaan xoog uga socota Degmooyinka Howlwadaag, Dharkeynley iyo Wadijir, waxaana milkiiyayaasha Guryaha loo qabtay 3-Maalmood iney Canshuurta baada ah ku soo xeeyaan, iyadoo markii hore la qaadi jira 10$ haatana laga dhigay 20-US$.

184130cookie-checkCabasho laga keenay Canshuur Hormaris ah Uu Gobolka Benaadir Qaadaayo