Share the post "Sarkaal Boliiska ka Tirsan Oo Lagu Dilay Magaalada Dhuusa mareeb & Sababta.."
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa fal dil magaalada Dhuusa mareeb loogu geystay Hassan Quuri oo ahaa Labo Xidigle ka tirsan Boliiska Maamul-Goboleedka Galmudug, kaasoo xiliyo kala duwana soo noqday Taliye Kuxigeenka Boliiska Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel..
Wararka ayaa sheegay in shaqsi ku hubeysan Bastoolad ayaa Marxuumka ayaa xabad kaga dhuftay wadnaha xili uu ku sugnaa Xaafada Horseed oo ah goob aan ka fogeyn Isbitaalka Magaalada, waxaana sidoo kale dhaawac ah gabar sarkaalku la joogay xiligaasi, iyadoo Dadkii goobta ku sugnaa ay ka argagaxeen Falka Dilka ah.
Lama oga sababta rasmiga ah ee falkaan ka dambeysa, balase warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Shaqsiga falka geystay uu xiriir kala dhexeeyay gabadha Sarkaalka la joogtay ee iyaduna dhaawaca soo gaaray, Xoogaga Amaanka ayaa ku raad jooga Eedeysanaha falka geystay oo tan iyo xiligii dhacdadu dhacdey waxaa socda howlgal lagu baadi goobaayo Eedeysanaha.