Mareykanka iyo Boqortooyada Sacuudiga oo ka wadahadlay Colaada Yemen & Heshiisyada La Gaaray

World

Macluumaad laga heylay Halka looga arrimiyo Dalka Mareykanka ayaa tilmaamaya in Aqalka Cad ay sheegeen in La-taliyaha Amniga Qaranka USA Mr.Jake Sullivan uu xiriir khadka Talephonka uu la yeeshay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan Talaadadii, waxayna ka wadahadleen Heshiiska Iran iyo tallaabooyinka lagu soo afjarayo dagaalka Yemen…

Wada hadalkaan ayaa yimid kadib markii dhawaan Magaalada Beijing ay heshiis ku wada gaareen isla markaasna lagu celiyay xiriirka Sacuudiga iyo Iran oo ah Quwadaha Gobolka ugu weyn ee Bariga Dhexe, iyadoo heshiiskaas uu ahaa mid aan laga talo-gelin Mareykanka.

“Mr.Sullivan iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan waxay sidoo kale ka wadahadleen isbeddello ballaaran oo ku wajahan saameynta iyo hoos u dhaca Gobolka ee USA, iyagoo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in laga hortago hanjabaadaha Iran iyo meelo kale,” ayuu Aqalka Cad bayaan uu soo saaray goor dambe oo Talaadadii ku sheegay.

Sacuudi Carabiya iyo Iran, oo ah Dalalka ugu awoodda badan Dowladaha Muslimiinta Suniyiinta iyo Shiicada, waxay sheegeen inay bilaabayaan qabanqaabada dib loo soo celiyo xiriirkii, Safaaradaha iyo qunsuliyadaha muddada laba bilood ah gudahood sida ku qoran heshiiskooda Shiinaha.

251110cookie-checkMareykanka iyo Boqortooyada Sacuudiga oo ka wadahadlay Colaada Yemen & Heshiisyada La Gaaray
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com