Eedeysanayaal Baxsad ahaa kuna Wajahnaa Somalia oo la qabtay

Africa News Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay Boliiska Kenya ku qaadeen Eedeeysanayaal loo heystay iney Dil bareer ah u geysteen Muwaadin Soomaaliyeed kaasoo ku caweeynaayay Baar ku yaal magaalada Kitengela ee Dalka Kenya, Eedeysanayaashaan ayaa qorsheystay iney u baxsadaan Somalia…

Wararka ayaa sheegaya in Eedeysanaha dilka geystay lagu magacaabo Nikolas Mwaniki Nginga oo 39-sano jir ah, kaasoo horey uga tirsanaan jiray Ciidamada Kenya iyo Fariida Osman oo 24-sano jir ah, iyadoo ay Boliiska ku guuleysteen iney qabtaan Eedeysanayaasha sabtidii la soo dhaafay.

Eedeysanayaashaan ayaa dilay Marxuum Jirbiil Cabdullaahi, waxaana la sheegay in loo dilay arrimo hinaas ah, iyadoo Eedeysane Mwaniki la sheegay inuu toorey ku dilay kadib markii uu ka shakiyay in Gabadhaan oo Soomaali ah Saaxiibna laheyd ay xiriir hoose la yeelatay Mraxuymka kadibna uu sidaas toorey ku dilay.

225600cookie-checkEedeysanayaal Baxsad ahaa kuna Wajahnaa Somalia oo la qabtay