Share the post "Mashruucii Dib u Dayactirka Wadada u Dhaxeysa Gaalkacyo & Xarfo oo Hakad la Geliyay.."
Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa hakad ku yimid Maahruucii Dib u dayactirka Wadada u dhaxeysa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo iyo Degaanka Xarfo kadib markii Howlwadeenada Maamulka Puntland iyo Odayaasha Dhaqanka isku khilaafeen in dib loo bilaabo Dhismaha Wadadaasi..
Wararka ayaa sheegaya in La-taliyaha Madaxweynaha Puntland uu gaaray dhawaan magaalada Nairobi kulamana la yeesheen Howlwadeenada Bangiga Horumarinta Africa Faraca (Nairobi), isagoo ku wargeliyay in Dhismaha Wadada la hakiyo kadib markii dagaalo beeleed soo noqnoqday uu degaankaasi ka qarxay.
Shirkada Maandeeq ee Dhismaha Wadada lasiiyay uuna Madax ka yahay Wiilka Mr.Deni ayaa ku guuldareysatay iney bilaawdo howsha dhismaha Wadada sababo la xiriira dagaalo beeleedka degaanka ka qarxay iyadoo lagu dumiyay Ceel biyood degaanka ku yaal iyo Guryo la gubay, Dagaalka ayaa y dhaxeeya Beelaha Maxamed Cumar iyo Reer Mahad.