M Dhabaa in Amniga Xarunta Baarlamaanka uu hoos u Dhac ku Yimid & Sababta…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in Kulankii Xildhibaanada ee todobaadkaan dhacay oo Buuq badan ka dhashay fadhigii ay xarunta Villa Hargaysa ee magaalada Muqdisho kadib markii gudaha tiro Xildhibaano ah ay hoolka la galeen Bastoolado…

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Garabka Farmaajo ay la soo galeen gudaha Hoolka Bistoolado, taasoo dhalisay in Amaanka Xarunta uu fara ka baxo, kadib markii ilaalada Xarunta ay ku guuldareysteen iney hubka ka dhigaan Xildhiibanada Hubeysan kuwaasoo la sheegay iney doonaayeen iney waxyeelo gaarsiiyaan Xildhibaanada ka aragtida duwan. Xildhibaanada Golaha shacabka ee Barlamaanka ayaa dood adag ka lahaa qodobo xasaasi ah ee wax ka bedelka Dastuurka.

Waxaana  ka dhashay arimahaas buuq iyo Gacan ka hadal, taas oo saameysay habsani u socodkii howlihii golaha.Xikdhibaanada qaar ayaa soo jeediyay in muhiim ay tahay in Guddoonka uu xil gaar ah iska saaro wax ka qabashada Amniga Xildhiaanada maadama ay soo noq noqotay falkaan,

Guddoomiyaha Golaha shacabka Aadan Madoobe ayaa sheegay in arrintan laga heshiiyay, hadda kadibna Xildhibaankii xad-gudub sameeya lagu qaadi xeerka u yaalla.

307050cookie-checkM Dhabaa in Amniga Xarunta Baarlamaanka uu hoos u Dhac ku Yimid & Sababta…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com