Salaama African Bank uu Heshiis kula Wareegay Bank ku yaal Uganda

Africa News Somalia news

Wararka laga helaayo magaalooyinka Mogadishu iyo Kampala ayaa xaqiijinaaya in Salaam African Bank oo xaruntiisu tahay dalka Djibouti uu si rasmi ah ula wareegay Top Finance Bank oo xaruntiisu tahay dalka Uganda…

Wararka ayaa sheegay in La wareegidda Bangigaan ayaa wuxuu ku suura galay, iyadoo la raacayo ogolaanshaha Bangiga Dhexe ee Uganda (Bank of Uganda) laguna salleeyay sharciga Hey’addaha Maaliyadda ee dalkaas iyo wixii shuruuc ah ee uu jiddeeyay.

War Saxaafadeed ka soo baxay Bangiga Dhexe ee Uganda ayaa lagu shaaciyay in Salaam African Bank (SAB) uu si rasmi ah ul wareegay lahaa shaha Top Finamce Bank Limited oo Uganda laga furay sanadkii 2012.

Sida ku cad war saxaafadeedka ka soo baxay Bank of Uganda bangiga lala wareegay wuxuu noqonayaa bangigii u horreeyey ee Islaami ah ee laga hirgeliyo dalka Uganda, kadib markii dalkaas uu sharciyeeyey xeerarka Bangiyada Islaamiga ah “Financial institutions (Islamic Banking) regulations” bishii February ee sanadkii 2018.

206700cookie-checkSalaama African Bank uu Heshiis kula Wareegay Bank ku yaal Uganda