Share the post "Muran & Khilaaf Dib uga Soo Laba-Kacleeyay Dhismaha Wadada Gaalkacyo & Xarfo.."
Iyadoo uu muddo 3-sano ah Khilaaf aan la xalin u dhaxeeyay Maamulka Puntland iyo Hogaanka Dowlada Federaalka ayaa waxaa soo shaac baxaaya in dib u soo laba kacleeyay Cidda Maamuleysa Dhismaha Wadada Gaalkacyo iyo degaanka Xarfo oo ay Maalgelineyso Bangiga Horumarinta Africa…
Mashruuca dhismaha jidka laamiga ah ee Gaalkacyo-Xarfo ayaa waxaa murankiisu soo taagnaa 2-sano ee u dambeysa, iyadoo Dowladda Federaalka ay ku adkeysatay iney Maamuleysa Bacdamaa Bangiga uu soo marsiiyay halka Maamulka Deni uu ganafka ku dhuftay isla markaasna uu doonaayo in ay si toos ah u maamusho.
Dhismaha jidka laamiga ah ee Gaalkacyo iyo Xarfo ayaa in mudda ah u xayiran khilaaf u dhexeeya Maamulka Deni ee Puntland iyo Wasaarada Qorsheynta ee Dowlada Federaalka oo ku adkeysaneysa iney mashruuca maamusho islamarkaana qandaraaska laga bixiy.