Xafladii Barlamaanka Oo Buuq Ka Dhacay

Somalia news

Markii ugu horeysay ee muddo xileedka Mr.Farmaajo ayaa gudaha Baarlamaanka Federaalka kala kulmay, iyadoo la sheegay in markii uu bilaabay Khudbada, kadib markii uu bilaabay xafladii furitaanka Kalfadhiga 7-aad, ayaa Xildhibaano firmiyo wata iyo kuwa miiska garaacaya ay hakiyeen inuu Khudbada sii wata…

Wararka ayaa sheegaya in markii ay hadleen Guddoomiyeyaasha labada aqal, laakiin waxaa soo dhex galay xildhibaanno muxaafid ah iyo kuwo mucaarad ah oo buuq iyo sawaxan ku furay madaxweynaha kana jooiyey khudbadii, waxaana ka dhashay gacan ka hadal qaar ka mid ah Xildhibaanada.

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta isku bedelay fagaaro looga soo horjeedo Maamulka Farmaajo iyadoo Xildhibaanada  ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo lid ku ah aragtidiisa iyo Maamul xumadiisa.

Maalin hore jidadka dhexdooda ayaa sawiradiisa lagu gubay, maanta xafladii Baarlamaanka ayaa lagu fooriyey, berina Villada lagugu dhex jiidayaa hadaadan ka toosin riyada iyo qarawga beenta aad ku jirto, ayuu yiri Aqoonyahann.

Falka ka dhacay maanta Baarlamaanka ayaa waxa uu hordhac u yahay Nidaam xumida 3 iyo bar uu ku soo hagaayay Mr.Farmaajo Muqdisho looga ceyrin doono marka xil hayntooda dhamaato mudo ka yar todoba bilood.

Dad badan ayaa rumeysan in buuqiii manata ka dhacay Xarunta Barlamaanka uu soo dedejin doono Maamulka Fashilmay ee Farmaajo .

40060cookie-checkXafladii Barlamaanka Oo Buuq Ka Dhacay