Koox Abaabulan Oo Qaraxyo Diyaarinaayay ayaa lagu Qabtay Magaalada Gaalkacyo..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Konfurta magaalada Gaalkacyo (Galmudug), ayaa sheegaya in Howlgal ay wada fuliyeen Xoogaga Amaanka ayeey gacanta ku dhigeen Ninkii ka dambeeyay Qarax ka dhacay dhawaan Magaalada Gaalkacyo…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Baaris iyo dabagal kadib ay Xoogaga Amaanka ku guuleysteen iney qabtaan Nin ka mid ahaa Koox abaabulan oo qaraxyo iyo Dilal Qorsheysan ku diyaayinaayay guri ku yaal Waqooyiga magaalada, iyadoo guriga laga helay tiro qaraxyo ah oo diyaarsan oo lagu fulin lahaa weeraro qorsheysan iyo Bistoolado.

Waana markii ugu horeeysay oo ay iskaashi Amaan oo ay wada fuliyaan Xoogaga Amaanka ee Maamulada Konfurta iyo Waqooyinka ku qabtaan Kooxahaan oo la sheegay iney Xafaladaha Ciida ay ku doonaayeen iney ku khalkhal geliyaan Dadka Rayidka ah.

252500cookie-checkKoox Abaabulan Oo Qaraxyo Diyaarinaayay ayaa lagu Qabtay Magaalada Gaalkacyo..