Ma Dhabaa in Danjirihii Somalia ee Qaramada Midoobay La Bedelay..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Isbedelo Villa Somalia ay wado kuna aadan sidii Xilalka looga xayuubin lahaa Danjirayaashii uu magacaabay Maamulkii hore ee Farmaajo iyadoo lagu bedelaayo kuwo taageeraan Maamulka Damu jadiid iyo Daljir..

Xoghayaan ayaa sheegaya in Danjire AbukarOsman (Baale) la sheegay in xalay laga xayuubiyay xilkii Safiirnimo ee Somalia uga Wakiilka ahaa Qaramada Midoobay, ilo-wareedkan ayaa sidoo kale sheegaya in loo magacaabi doono Shaqsi ku dhow Madaxweynaha.

Waxaa xusid mudan in Danjire Abuukar Baale uu ka mid ahaa diblomaasiyiinta ka haray Maamulkii hore, “haddii aa si fiican u dhuuxdo, Siyaasada qabiilka ku salaysan ee Somalia maba la yaabteen is badaladaan & Maamul xumida Kooxda Talada isku koobtay, ayuu yiri Khibiir magaciisa ka gaabsaday.

254060cookie-checkMa Dhabaa in Danjirihii Somalia ee Qaramada Midoobay La Bedelay..