Share the post "Wasiirka Difaaca Somalia oo Safar Shaqo ku soo tagay Magaalada Qaahira ee Dalka Egypt.."
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Gaashandhiga Somalia Cabduqaadir M. oo gaaray Magaalada Qaahira waxaana soo dhaweeyay Wasiirka Gaashandhigga General Abdul Majeed Saqr, iyadoo Wasiirada ay wada hadleen howlgalka Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AUSSOM, Qodoba kale oo ay ka mid yihiin Xoojinta Xiriirka Labada Dal..
Intii uu socday Kulanka, ayaa Wasiirka Difaaca ee Somalia ayaa wuxuu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay sida Masar ay diyaarka ugu tahay inay taageerto dadaallada amni iyo xasiloonida Somalia, Wuxuu kaloo si diiran u soo dhaweeyay ka qeybgalka Masar ee howlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AUSSOM), isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Egypt ay ka qeyb qaadato xoojinta howlgallada nabad ilaalinta ee Gobolka.
Egypt iyo Somalia ayaa sii xoojinaya xiriirkooda dhanka difaaca iyo diblumaasiyadeed, inkastoo dad badan oo falanqeeya ayaa soo dhaweeyay in Dowlada Masar ay ku lug yeelato Somalia Dowlad dhiska iyo xoojinta Amaanka ee Geeska Africa.