Odayaasha Dhaqanka Waqooyiga Gaalkacyo Oo Deni La Balansan

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Puntland ayaa sheegaya in ergo uu hormuud u yahay Odayga Beesha Cumar Maxamuud Islaan Bashiir Islaan Cabdille, uu gaari doono Garowe si uu ula kulmo Madaxweynaha Puntland..

Wararka ayaa sheegay in Laba arimood ay Ergadaan u socdaan iney Madaxweynaha markale uxaqiijiyaan.

-Ergada dooranaysa Kuraastooda, iney iyagu ay soo xusheen fara gelinta ay ka digayaan in lagu sameeyo.

-In Sanadkaan saamiga Kuraastooda Gabar iney ku jirto oo waa diideen.

Ergadaan ayaa la kulmaaya caawa Madaxweynaha, iyadoo balan looga sameeyay oo isla beri si u wada falan qeeyaan Arrimaha Doorashada.

Cumar Maxamuud waxay rabaan in kuraastooda loo tartamo oo Qofkii kusoo baxa Tartankaas furan oo waadixa ah loo hanbalyeeyo lalana shaqeeyo, Ergada Cumar Maxamuud ee dooranaysa Kuraastooda mar horaba waa la qaybsaday,waxayna Garowe ku xaroon doonaan Labo Beri kadib.

173780cookie-checkOdayaasha Dhaqanka Waqooyiga Gaalkacyo Oo Deni La Balansan