Ergo IGAD Ka Socda Oo Mogadishu Soo Gaaray

Somalia news

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Balal Cusmaan ayaa qaabilay Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD, kuwaasoo ah Guddiga xaqiiq raadinta Xaaladaha ka jira Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana wafdigan horay u booqdeen degmada Mandhera….

IGAD ayaa guddi u saartay guddi qiimeyn xaalada xuduuda, kaddib markii ay dalbatay dowladda Soomaaliya, waxaana guddigan ay dib ugu celin doonaan xog ku saabsan wixii ay ku soo arkeen goobihii ay kormeerka ku tageen ee xuduudka iyo kulamada mas’uuliyiinta labada dal la soo yeesheen,

Mr.Farmaajo ayaa maalinta Isniinta safar ku tagi doona Jabuuti, si mar kale IGAD u bilowdo dadaalo iyo tallaabada xigta ee la doonayo in dib lagu soo celiyo xiriirkii go’ay Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdi ka socda dowladda Kenya ayaa maanta ku soo wajahan Muqdisho, si loo bilaabo wada hadalada lagu soo celinayo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo ay garwadeen ka tahay IGAD.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii December 2020 waxay xiriirka u jartay dowladda Kenya, iyadoo albaabada la isugu dhiftay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, kaddib markii ay kala soo baxday dhammaan diblomaasiyiinteeda ku sugnaa, dowladda ayaa ku eedeysay inau faragelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

85750cookie-checkErgo IGAD Ka Socda Oo Mogadishu Soo Gaaray