Sahminta & Baarista Shidaalka Xeebaha Dalka Gormaa la soo Gabagabeynayaa..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayuu ka bixiyay Gudoomiyaha Hey’adda Batroolka Cabdulqaadir Maxamuud Aadan oo laga wareystay howlaha Sahminta iyo Baarista Shidaalka ee Xeebaha Dalka, oo oo Maraakiibta Turkiga leeyahay ay ka wadaan Somalia…

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in qorshuhu yahay markii la gaaro Bisha April ee sanadkaan in la soo gabagabeeyo lana dedejiyo inta aysan Badda kicin, si loo ogaada goobta rasmiga ah ee shidaalka laga qodayo, wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dadaalo badan ay soconayaan loona baahan yahay in la sameeyo taxadar si aan loo qodin goob aan aheyn goobta shidaalka laga helay.

“Sida aan isku afgaranay Turkida sahminta wada, hadii uusan caqabado imaanin, waxaan dejinay qorshaha ah inaan April soo gabagabeyno, waxaana qorshaha yahay in maraakiibta ay u jiheeystaan dhinaca xeebaha Hobyo, waa inaan ogaanaa in dabayaqaada Bisha inaan ogaano meesha saxda ah ee la qodaayo Shidaalka” ayuu yiri Gudoomiyaha oo wareysi siinayay Tvga Qaranka,

Dadka Soomaaliyeed ayaa isha ku haaya in dalkeenna Somalia laga Qodo Shidaal farabadan, taas oo meesha ka saari karta dhaqaalo yarida kajirta dalka iyo Shaqa la’aanta heysata dhalinyarada Soomaaliyeed.

356560cookie-checkSahminta & Baarista Shidaalka Xeebaha Dalka Gormaa la soo Gabagabeynayaa..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *