Boliiska Magaalada Gaalkacyo Oo War ka soo Saaray 2-Sarkaal oo la Dilay Baaqna u Diray Shacbiga..

Somalia news

Warar dheeraad ayeey Xoogaga Amaanka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo (Puntland) ka soo saareen Dil xalay dhacay looguna geustay labad Sarkaal oo ka tirsan Boliiska iyadoo lagu eedeeyay 2-Nin iney ka dambeeyaan Dilkaasi, kuwaasoo la sheegay iney baxsadeen waxeyna ka codsadeen Shacbiga iney gacan ka siiyaan.

Wararka ayaa sheegay in labada Eedetsane magacyadooda lagu kala sheegay Xuseen Muuse Faarax iyo Maxamed Xuseen Muuse, kuwaasoo magaalada Galkacayo gaar ahaan xaafadda Halabokhad ku dilay laba sarkaal oo lagu kala magacaabo X/le Xuseen Cabdul Cumar iyo X/le Sakariye Maxamed Diiriye, Labadan eedeysane oo kala ah, wiil iyo Aabbihiis, ayaa la sheegay markii ay dilka geysteen inay degaanka ka baxsadeen.

Lama oga sababta ay u dileen labada sarkaal, hase ahaatee muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa Gaalkacyo ka dhacayay dilal salka ku hayay aanooyin qabiil oo ka dhex taagan qaar kamid ah beelaha kuwada nool magaalada Gaalkacyo, Dhawaan ayaa xal lagu gaaray in qofkii qof dila lasoo qabto lana toogto.

296460cookie-checkBoliiska Magaalada Gaalkacyo Oo War ka soo Saaray 2-Sarkaal oo la Dilay Baaqna u Diray Shacbiga..