Weerar Lagu Qaaday Hoyga Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Dowlada

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degmada Wanle-weyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in caawa la weeraray guriga sarkaal ka tirsan militeriga Soomaaliya uu ku leeyahay degmadaas….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegay in Sarkaalka uu gurigiisa weerarkaas ka dhacay caawa ayaa magaciisa lagu soo koobay Halac, kaasoo Madax ka ah Ururka 54-aad ee Guutada 7-aad, waxaana la sheegay in gudaha guriga laga maqlay jugta laba qarax oo waaweyn iyo rasaas badan.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa 11 Qof ay ku geeriyoodeen Qaraxyadaasi, halka dhaawacyo kor ay u dhaafayaan 24-Qof, waxaa xiligaasi guriga ka maqnaa Sarakaalka la weeraray hoygiisa.

42870cookie-checkWeerar Lagu Qaaday Hoyga Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Dowlada