Kismaayo: In ka badan 60 guri oo duugmay kaddib markii Dabeyl Ciid ku rogtay. 

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya Dabeylo xoogan ayaa sababay in bacaad uu duugo (Ka dulmaro) guryo la dejiyay qoysas go’aansaday iney kasoo guuraan xeryaha Qaxootiga Kenya si ay u degaan Gobolka, arrintaan waxa ay qayb ka ahayd dhaqangelinta heshiis dhexmaray Soomaaliya, Kenya & Qaramada Midoobay…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ka badan 60 guri waxaa qariyay Bacaadka, qoysaska degenaayeen Guryahaas ayaa dalbaday in xal loo helo dhibaatadaan sida in deegaan cusub la dejiyo ama carrada laga dul-qaado guryahooda.

Maamulka Dowladda Hoose oo gudanaya waajibaadka saaran waxa uu Ganacsatada & Cid weliba oo gacan ka geysan karta arrntaan waxa aan leeyahay bixiya shidaalka si bacaadka loo qaado, Dabcan waa awood naga weyn oo kharash & maskax badan u baahan” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Kismaayo.

164810cookie-checkKismaayo: In ka badan 60 guri oo duugmay kaddib markii Dabeyl Ciid ku rogtay.