Share the post "Caasimada Somalia Oo ku soo Badanaaya Dhismooyinka Daaraha Dhaadheer.."
Waxaa sii badanaya guryaha dabaqyada ah ee laga dhisayo magaalada Muqdisho, oo ka soo kabaneysay tiro dagaalo sokeeyey oo hareeyay muddo ka badan 30 sano, Kororka guryaha dhaadheer ee laga dhisayo magaalada ayaa waxaa loo sababeynayaa bulshada ku nool caasimadda oo korortay, iyo Ganacsato badan oo Soomaaliyeed oo u soo jeestay maalgashiga Dalka…
Inkastoo Khubarada dhaqaalaha ka faallooda ay sheegeen in dhismayaasha waaweyn ee ku sii badanaya Muqdisho aysan hoos u dhigin xaaladii guryeynta ee magaalada, aysanna dadka u suurtogelin in ay helaan guryo kiradooda la awoodo.
Taa bedelkeeda ayaa waxay mararka qaar ay sababtaa in Dadka aan dakhligoodu wanaagsaneyn ay xaafadaha guryaha casriga ah laga dhiso ay uga guuraan qiimaha kirada oo aad ugu badan darted, waxaa kaloo jirta in Dadka intooda badan ay ka guurayaan gudaha Magaalada ay degayaan daafaha magaalada sababo la xiriira Kirada oo ka jaban.