Kulamadii U Dambeeyay Ee Maamulada Gobolada Oo Aan Horumar Laga Gaarin

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helay Howlwadeeno ku dhow dhow shirkii maanta dhex maray Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo kulankooda galay maalintii afaraad ayaa sheegaya in aan wax horumar ah laga sameyn qodobkii ajandaha shirka soo socdo, iyadoo mar kale berri lagu balamay oo ay isugu imaan doonaan kulan kale….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Qodobka amniga goobta shirka ayaa mabda’a ahaan la isku raacsan yahay in AMISOM ay sugto, balse tan ajandaha shirka aan wax is afgarad ah laga gaarin.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa weli ku adkeysanaya in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan Saamileyda siyaasadda sida Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

106050cookie-checkKulamadii U Dambeeyay Ee Maamulada Gobolada Oo Aan Horumar Laga Gaarin