Mareykanka oo Hakiyay Barnaamijka dib u Dajinta Qaxootiga..

U.S. World

Maamulka Trump ayaa ku amray Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka iney dhamaan hakiyaan howlihii socdaalka Qaxootiga loo ogolaaday iney soo galaan Dalka Mareykanka, Amarkaan ayas soo shawc baxay laba maalin kaddib marki uu madaxweyne Donald Trump uu saxiixay wareegto uu ku joojiyay Barnaamikaan…

Wararka ayaa sheegaya in Wareegtadaan ay dhaqan geli doonto 27-ka bishaan Janaayo 2025, waqtiga kama dambeysta ah ee la joojinayo bartnaamijka dib u dajinta qaxootiga ee gudaha Dalka Mareykanka. Kumannana qaxooti ah oo ay ku jiraan ilaa 1,600 oo qaxooti Afgaaniyiin ah oo heystay fiisaha dal ku galka ayuu durbadiiba saameeyay Go’aanka Maamulka Trump.

Ilaa 10 Wareegto oo cusub ayey Amaradaan ka ahaayeen, Mr.Trump ayaa sheegay in Wakhtigaan uusan Dalkiisa awood u laheyn iney qaabilaan Qaxooti cusub, wuxuuna sheegay in Qaxooti aan u tiro badan ay soo galeen Mareykanka 4-tii sano ee u dambeysay gaar ahaan Xadka Mexico, wuxuuna sheegay in Dalkiisu aysan dan ugu jirin inuu qaabilo qaxooti.

357980cookie-checkMareykanka oo Hakiyay Barnaamijka dib u Dajinta Qaxootiga..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *