Digniino laga soo Saaray Abaabulada Colaadeed ee Magaalada Ceergaabo Ee Gobolka Sanaag..

Security Somalia news

Warbixino wel wel xambaarsan ayaa daaha ka rogaaya iney si xowli ah uga socdaan Nawaaxiga magaalada Ceergaabo ee Gobolka abaabulo colaadeed iyo hub uruursi u dhaxeeya Beelaha wada dega Degaanadaasi dagaalkaan ayaa salka ku haya gacan ku heynta Magaalada iyo guud ahaan Gobolka…

Wararka ayaa sheegaya in magaalada ay qarka u saaran tahay Dagaal culus  inuu ka qarxo waqooyiga Somalia, iyadoo abaabulkaan aan degaanka laga arkin muddo 30 sano ah, Xiisada u dhaxaysa gooni isu taaga Somaliland iyo Ururada SSC-Khaatumo iyo Maakhir ayaa marba marka ka dambaysa cirka isku sii shareeraya, waxaana so dadban loo eedeeyay Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Xuuraanada degaanka laga helaayo ayaa tilmaamaya in la hubeeyay ururadii ku midoobay Dhismaha Maamulka Gobolka, Khubarada arrimaha Amaanka ayaa ka digay in dhiig Dhalinyaro Soomaaliyeed si micno darro ah loo daadiyo iyadoo la adeegsanaayo shaati Qabiil. Gooni-goosadka Maleeshiyaadoida ka arrimiyaan magaalada ayaa lagu eedeeyay iney hurinayaan colaada. iyaga oo sheeganaya in ay ka taliyaan waqooyiga, Waxeyna ku riixaya dhamaan qabaa’ilka iyo gobollada midnimada inay u diyaar garoobaan dagaal. Haddii ay sidan ku sii socoto.

Waxaa dhinacyadaan loo baaqay iney joojiyaan abaabulka colaadeed lagana hortago inuu dhaco dagaal dhiig ku daadto, dhamaan dhinacyada abaabulka wada waxaa loogu baaqay iney wada hadal iyo nabad ku xaliyaan khilaafaadkooda miiska soi fadhistaan.

359180cookie-checkDigniino laga soo Saaray Abaabulada Colaadeed ee Magaalada Ceergaabo Ee Gobolka Sanaag..