Maxaa Dowladda Federaalka ka Hortaagan iney Shirkadda Genel Energy Dacwado ku Furto..

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa muujinaaya in Shirkadda Shidaalka ee Genel Energy oo xafiis sharci darro ah ka furatay magaalada Hargeysa ee Maamulka Gooni gooska, waxaana la sheegay iney dhegaha ka fureystay baaqyo badan oo loo soo jeediyay iney joojiso Baarista Shidaalka ee Gobolada Waqooyiga Somalia…

Wararka ayaa sheegaya in Habka ugu waxtarka badan ee lagula dagaalami karo howlaha sharci darrada ah ee shidaal baarista ee shirkadaha ka jira Somalia ayaa ah in Jaaliyadaha Soomaalida ee leh xirfado kala duwan leh sida Qareenada, Dhakhaatiirta, Macalimiinta iyo Injineerada ay midoobaan oo ay tallaabo sharci ah uga qaadaan.

Talabadaan ayaa keeni karta in Hogaanka Dowladda Federaalka lagu cadaadiyo iney Dacwado u gudbiso Dowlada UK oo Shirkadaan Xafiisyo ku leh, maadaama ay horay uga dalbadeen Genel Energy inay ka baxdo Degaanada Dalka laba bilood ka hor, taasoo shirkadu dhegaha ka fureysatay inay u hoggaansamaan, Tan xigta ee la qaadayo waxay noqon kartaa in Dacwad laga gudbiyo Maxkamadaha, isla markaasna qabasho caalami ah la soo saaro, si cadaadis loogu saaro Mas’uuliyiinta Shirkadda.

253800cookie-checkMaxaa Dowladda Federaalka ka Hortaagan iney Shirkadda Genel Energy Dacwado ku Furto..