M/Goboleedyada Ma Soo Ceshan Doonaan Kaalintoodii Mise.!!?

Somalia news

Inta badan Madaxda Maamul-goboleedyadda waxey heystaan fursado ka fiican kan Madaxweynaha Dowlada Federaalka waayo waxey heystaan degaano ay maamulaan iyo Ciidamo u Gaar ah oo aan saameyn ku laheyn Villa Somalia, Waana sababta keentay inay shir iyaga u gaar ah ku baaqaan, Waxaa u cuntami weyday in Madaxweynaha oo xilkiiisa gabogabo yahay, kana fursad yar yahay inuu geed fadhi u noqdo iyaga….

Todobaadkaan Waxaa Madaxweynaha soo gaaray Labo daqar oo hal-dhagax ah.

-In shirkii uu ku baaqay iyo gogoshii uu isaga fidiyay inta la garab maray mid kale lagu dul-furay.

-Inuusan joogin shir looga hadlaayo arrimaha masiiriga siyaasadda ee xilliga kala guurka, gaar ahaan doorashooyinka, maamul goboleedyadii ku garabka ahaana ay hal dhinac u isku buuran doonaan, iyagoo markaan isku aragti ah ayay qodobada ay isla gaaraan shirka Dhuusamareeb kula shirtagi doonaan shirka soo socda ee DFS iyo Dowlad Goboleedyada.

Dad badan ayaa shaki ka muujinaaya Madaxda Maamul/goboleedyada Galmudug, Konfur Galbeed iyo Hir-Shabelle, kuwaasoo lagu Tiriyo in awaamiirta looga soo minguuriyo Madaxtooyada Muqdisho, maxaa yeelay Waxaa Dhaqaale iyo wakhti badan geliyay Mr.Farmaajo sidii ay ugu adeegi lahaayeen.

Shirkaan ayaa noqon doona Fursad ay isaga xoreeyaan Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, isla markaasna looga fadhiyo iney isla meel dhigaan qorshayaal hagaagsan Oo Shacbiga Soomaaliyeed u horseedi kara Nabad iyo doorsho xalaal ah.

46440cookie-checkM/Goboleedyada Ma Soo Ceshan Doonaan Kaalintoodii Mise.!!?