Sidee Looga Hortagi karaa Badbaadinta Boobka ku soo Fool leh Dekeda Seylac Somalia..

Somalia news

Warbixin Welwel xambaarsan ayaa muujineysa in Dalka Somalia loo dejiyay Qorshe lagu kala qeybinaayo Dhulkooda sida Yugoslavia, iyadoo Qorshahaani uu qeyb ka ahaa Dhismaha Nidaamka Federaaleynta ee Maamulada Beeleysan Gobolada, ma haystaan ​​fursad ay ku badbaadaan haddaanay soo saarin Waddaniyiin dhab ah oo Dalka badbaadintiisa wax walba ka horraysiya..

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa daah ka rogaaya in heshiis qarsoodi ah oo dhax maray Madax dhaqameedka ka soo jeeda Degmada Zaylac ay hore ugu dhawaaqeen inay heshiis la galeen Beesha Oromada Ethiopia, ku darsoo Hadalkii uu dhawaan Sheegey Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ee ahaa inuu Dekad ka rabo xeebaha Dalal ay Somalia ka mid tahay Xeelad iyo Xoogba.

Dekadda Saylac ee Gobolka Awdal ee Somalia, ayaa waxay u leedahay muhiimad taariikhi iyo Istiraatijiyad weyn u leh Shacbiga Soomaaliyeed, Dawladaha shisheeye ee sanadagasn dambe muujinaya iney xiisaha sii kordhaya u hayaan Magaaladaan Dekedda leh, Shacbiga Soomaaliyeed waa inay qaadaan tillaabooyin ay ku ilaalinayaan oo ay ku maamulayaan qaybtan dhulkooda ka mid ah Taariikhyahanada iyo khubarada ayaa muddo dheer ka digayay in Somalia ay xiligaan u nugushahay kala qeybin, loona baahan yahay iney ka digtoonaadaan Ujeedooyinka Dalalka deriska ah, Waxaa la joogaa waqtigii ay Soomaalidu u hoggaansami lahayd digniinahaas oo ay hubiyaan in dekedda Saylac ay si nabad ah ugu jirto gacanta Somalia.

268730cookie-checkSidee Looga Hortagi karaa Badbaadinta Boobka ku soo Fool leh Dekeda Seylac Somalia..