Share the post "Boliiska Oo Howlgal ay ka Fuliyeen Guriga Hooyooyinka ku soo Qabtay Tiro Haween ah…"
Howlgal ay fuliyeen Ciidamo Ciidamo ka tirsan kuwa Boliiska ayaa aroortii hore ee saakay la wareegay gacan ku haynta Guriga Hooyooyinka kaasoo muddooyinkii dambe ay ka jirtay xiisad isla markaasna tiro Haween ah ay ka biya diidanaayeen iney baneeyaan dhismahaasi…
Wararka ayaa sheegay in Ciidamadaan howlgalka fuliyay oo Salaadda Subax kadib la wareegay Amniga dhismaha Guriga Hooyooyinka ayaa xiray Xubno ka mid ah Ururka Haweenka kuwasoo lagu guray Gaadiidka Shabaqlaha loo yaqaano ee Maxaabiista lagu qaado, kadib markii ay muddo difaac kaga jireen dhismahaasi isla markaasna ku gacan seyray iney si nabad ah ku banewyaan dhismahaasi.
RW xamse ayaa horay u yiri waa in la banneeyaa Guriga Hooyooyinka Mana jiidi karno Hooyooyinka, Wasaaradda Haweenka ayaa ku shaqaynaysa Daartaas, waa ayna ka biya diideeen Uruurka Haweenka hadalkaasi, Hayeeshee dhowr jeer ayay bannaan bax ka sameeyeen Afaafka hore ee Hooyooyinka iyo guud ahaan xarunta Hooyooyinka.