Isbedelada Hogaanka Villa Somalia Miyuu Saameyn doonaa Kuwa Konfur galbeed & Galmudug

Somalia news

Kadib markii looga itaal roonaaday doorashada Farmaajo oo Saameyn xoogan ku lahaa Go’aanada Maamulada Galmudug & Konfur galbeed, ayaa waxaa soo shaac baxaaya baaqyo culus oo lagu dalbanaayo in isbedel lagu sameeyo Hogaanada labada Maamul….

Wararka ayaa sheegaya in Aqoonyahanno, Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeedyo ka soo jeeda degaanada hoos yimaada Maamul-Goboleedyada Galmudug iyo Konfur galbeed ay cod dheer ku dalbadeen in isbedel deg deg ah lagu sameeyo Hogaanada Maamulada kor ku xusan, kadib markii lagu eedeeyay iney u adeegayeen maamulkii Farmaajo.

Warar aan la xaqiijin ayaa inuu si xowli ah u socdo qorshayaal la doonaayo in Madaxweynaha cusub la oggoleysiiyo inuu doorasho daah furan ka qabanqaabiyo Maamulada Galmudug & Konfur galbeed mustaqbalka dhow, waxaana u sharaxan iney Hogaamada 2-daasi Maamul qabtaan Mr.Abshir Axmed (Bukhaari) Galmudug iyo Aadan Saransoor Konfur galbeedka.

189140cookie-checkIsbedelada Hogaanka Villa Somalia Miyuu Saameyn doonaa Kuwa Konfur galbeed & Galmudug