Beesha Caalamka Oo 4-Qodob ka Dalbatay Saamileyda Siyaasada Somalia

Somalia news

Saaxibada Beesha Caalamka ee fadhigooda uu yahay magaalada Muqdisho ayaa qoraal wadajir kasoo saaray xaaladda dalka, gaar ahaan go’aannada kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyey gudaha caasimada…

Wakiilada Beesha Caalamka waxey garwaaqsadeen Shirkii 3-9 bishaan ee lagu gaaray Heshiiska Doorashada lana isku afgartay in wax ka bedel iyo dib u habeyn lagu sameeyo habraaca Doorashada iyo dedejinta Soo xulista Xildhibaanada Golaha Shacbiga, waxeyna bogaadiyeen Heshiiska la gaaray, iyagoo soo saaray Dalab 4-Qodob ka kooban.

-In Danta Qaranka Soomaaliyeed ka horeysiiyaan midda gaarka ah.

-In xooga la saaro dhameystirka Doorashada

-In Laga fogaado daandaansiga iyo hadalada xanafta leh ee ka weecin kara Doorashada kordhina kara khatar dagaal sokeeye

-In La xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda Federaalka aan loo adeegsan Hab-siyaasadeedka xiligaan kala guurka ah.

161510cookie-checkBeesha Caalamka Oo 4-Qodob ka Dalbatay Saamileyda Siyaasada Somalia