Maqaal:-Habacsanaanta iyo Qorshaha Liita ee la-Dagaalka Kooxaha Argagixisada..

Security Somalia news

Muddo 3-sano iyo bar waxaa Shacbiga Soomaaliyeed lagu maaweelinaayay inuu socdo dagaal looga sifeynaayo kooxaha argagixisada kaasoo dhaliyay khasaare baaxad leh ha noqdo midka Maamulka Puntland ama kan Dowlada Federaalka, iyadoo dhinacyadaan ka mideysan yihiin adeegsiga Beelaha hubeysan iyo khasaare aan laga fiirsan ee uu dagaalka dhaliyay…

Awoodaha Kooxaha Shababka & Daacishta

Marka la is barbar dhigo awoodaha Labadaan kooxood waxaa aad u tiro iyo tayi badan kooxda Shababka oo lagu qoyaaso iney heystaan Maleeshiyaad kor u dhaafaya 12.000 halka Kooxda Daacishta lagu qiyaaso 2000-Maleeshiyo kuwaasoo u badan Hal Beel uuna ka soo jeedo Horjoogaha Kooxda (Cabdulqaadir Muumib), Kooxahaan ayaa fariisamo ku wada leh Degaanada Puntland gaar ahaan Buuraha Calmiskaad (Daacish) & Calmadow Kooxda Shababka, ayaan darraso Maamulka & Maleeshiyaadka Puntland aysan dagaal ka bilaabin aagaasi.

Kooxda Argagixisada Shababka waa kooxda ugu hodansan ee shabakadaha argagixisada caalamig ah, iyadoo ay Intaasi u dheer tahay inay ku sugan yihiin degaano badan oo ay ka taliyaan, muddo badana ay joogeen, isla markaasna Ajaaniibta iyaga ka hoos shaqeeyaan, Qodobadani waa kuwa miisaanka u badinaya dhanka Shabaabka marka loo eego Macawisleeyda ka soo horjeeda, lamana filan karo guul ay gaaraan dadka deegaanku hadii aan lahelin hiil qaran oo barbar istaaga muuqda.

Bud-dhigga labada hawlgal waa ciidamo aan toos uga amar qaadan Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ahayd inay hoggaamiyaan hawlgallada caynkan oo kale ah, haddana hawlgalka sifaynta kooxda Shababka oo xooggiisu waqtigan ka socdo furimaha Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe waxaa horkacaya Ciidamada Dowlada oo lamaansan yihiin kuwa Macawisleeyda, kuwaasoo soo bandhigaya u diyaarsanaan sare iyo guulo hordhac ah oo ay kasoo hooyeen dagaalka.

Habacsanaanta Howlgalada iyo Qorshaha Dagaal Gelinta hooseya..

Maamulka Puntland & Dowlada Federaalka waxey ka siman yihiin Habacsanaanta Howlgalada iyo qorshe xumida dhanka dagaal gelinta taasoo kordhisay tirada dhimashada, ku darsoo maqnaanta dejinta xeelad dagasl gelib, abaabulka iyo isku dubaridka Shacabka, inkastoo Masmulka Puntland uu Jaaliyadaha degaanka ka soo jeeda u qeylo dhaan dirsaday si taageero dhaqaale loogu kabo dagaalka ay kula jiraan Kooxda Daacishta oo howlgalka bishii labaad galay.

361730cookie-checkMaqaal:-Habacsanaanta iyo Qorshaha Liita ee la-Dagaalka Kooxaha Argagixisada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *