Banaanbaxyo Ka Dhan Ah Villa Somalia Oo Ka Dhacay K/Gaalkacyo

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dad Dibadbaxayaal ah oo ka cabanaaya Dhalinyaro la sheegay in Tababaro Ciidan loogu qaaday Dalka Eritrea Ay ku geeriyoodeen Dagaalkii Ethiopia iyo Maamulka Tigray, iyadoo Maamulka Fashilmay uu ka gaabiyay inuu Shacbiga la wadaago xaqiiqda dhiiladaan…

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadaan oo tiradoodu lagu qiyaasay 300-500 ayaa laga qaaday Magaalooyinka Cadaado iyo Konfurta Gaalkacyo, kuwaasoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan iney ka qeyb galeen Dagaalka Ethiopia, Waxaana si hoose u abaabulay Senator Cabdi Qeybdiid iyo Axmed Qorqor, kuwaasoo xiligaan Jaal la’ah Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ah, Sababta Banaanbaxa ayaa lagu shegay in ay tahay Dhalinyaro ka maqan hooyoyin Soomaaliyeed.

Dibad-baxayasha ayaa Maamulka Galmudug iyo Dowlada Federaalka ka dalbaday in dhalinyarada maqan warbixno ka Keenan nolol ama geeri, Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa aad u soo kordhaayay walaaca laga in Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo Uu Dhalinyarada Tababarada loo qaaday loo adeesaday dagaalada Ethiopa.

87890cookie-checkBanaanbaxyo Ka Dhan Ah Villa Somalia Oo Ka Dhacay K/Gaalkacyo